Deeq A. Posted September 19, 2019 Bariire (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab maanta ay ku qaadeen gudaha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka ayaa sheegaya in hoobiyeyaashan lala eegtay fariisimo ciidamada dowladda ay ku lee yihiin deegaankaasi. Inta la xaqiijiyey, illaa labo askari oo ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona ciidamada dowladdu ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites