Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga Israa’iil Oo Toogasho Ku Dilay Haweeney Falastiini Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Jerusalam)-Millatariga Israa’iil ayaa haweeney Falastiini ah ku dilay bar koontarool oo ay ku leeyihiin daanta galbeed iyo bariga magaalada Jerusalam ee dalka Falastiin.

Millatariga-Israaiil-1024x685.jpg

Haweeneydaan ayaa dhaawac looga qaaday goobta ka hor inta ayna ku geeriyoon cisbitaalka Qalandiya.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidanka Israa’iil oo tooganaya Haweeneydaan.

Ma jirto illaa iyo hada sabab cad oo ka dambeysa dilkaan walow millatariga Israa’iil ay ku andacoonayaan inay wadatay midi ayna qorsheyneysay weerar ka dhan ah ciidanka Amniga.

Goob joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta Falastiin in haweeneydaan ay muddo ku dhiig baxeysay goobta kadib markii ciidanka Isra’iil diideen in laga qaado Goobta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this