Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Imtixaan Ka Qaady 33 Tartame

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa shalay imtixaan ka qaaday 33-tartame oo soo codsaday todoba boos oo ka bannaan Hay’adda dhawrista tayada agabka Somaliland.

70597513_2499781660300310_80060482191989

Goobta imtixaanka lagu qaadayay waxa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, guddoomiye ku xigeenka, Guddoomiyaha Hay’adda dhawrista tayada agabka, agaasime ku xigeenka machadka tababarka shaqaalaha iyo macalimiintii soo diyaarisay imtixaanka.

Agaasime ku xigeenka machadka tababarka shaqaalaha dawladda ayaa sheegay inay boosaska ay soo codsadeen tartameyaal badan laakiin ay kusoo kala hadheen wareegii hore ee xulista, waxana uu xusay muhiimadda shaqaalahani u yeelan doonaan goobaha shaqo ee ay buuxin doonaan.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa dhinaciisa sheegay in Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland u taagan tahay imtixaan qaadista shaqaalaha dawladda ee kala duwan si loo mariyo hanaanka cadaaladda iyo qiimaynta aqoontooda waxbarasho, sidoo kale waxa uu u mahad naqay macalimiintii imtixaanka soo diyaarisay iyo Hay’adda dhawrista tayada agabka Somaliland oo shaqaalahan qaadanaysa.

Ugu dambayna waxa uu guddoomiyuhu ku booriyay tartame yaasha imtixaanka u fadhiistay inay si kalsooni leh u galaan imtixaanka qofkastaana uu qaadi doono nasiibkiisa si cadaalad ah.

Guddoomiyaha Hay’dda dhawrista tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in todobadan boos ee la qaadanayo ay ka hawl gali doonaan ilaalinta tayada agabka ee Berbera.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this