Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweyne Muuse Biixi U Gudbiyay Xubinta Uu U Xulay Komishanka Cusub Ee Doorashooyink

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay xubinta uu u xulay inuu xisbiga UCID u metelo guddiga cusub ee doorashada.

faysalwarabe.jpg

Ma jiro war rasmi ah oo uu xisbiga UCID ku xaqiijiyay xubinta uu gudbiyay, laakiin warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in xubinta uu guddoomiye Faysal gudbiyay yahay Xasan Yuusuf Ducaale.

Geesta kale xisbiga Waddani ayaan weli gudbin xubintiisa, waxaana socda tartan loogu jiro buuxinta xubinta xisbiga Waddani. Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaan weli isna diyaarin saddexda xubnood ee uu soo xulayo, waxaana iyaga laftooda loogu jiraa baratan.

Guddoomiyaha guurtida ayaa isaguna gudbiyay laba xubnood oo kala ah -Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) iyo Foosi Maxamed Faarax, balse madaxtooyada ayaa dib u soo celisay Mr. Foosi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this