Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Iyo Dalalka Khaliijka Oo U Tashanaya Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Mareykanka ayaa Sacuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka kala tashanaya jawaabtii laga bixin lahaa weerarkii lagu qaaday xarumaha saliida Sacuudiga, kaasi oo ay ku eedeeyeen Iran.

e69fdaaf-2254-441f-811b-23fe8f145c27_w10

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa weerarkaas ku qeexay dagaal lagu qaaday boqortooyada. “Kani waa weerar aynan noociisa hore u arag”

Iran waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarada, waxaana sheegtay kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay jiraan habab badan oo aan dagaal ahayn oo Iran loogu jawaabi karo. Waxa uu amray cunaqabateyn dheeri ah oo la saaro Tehran,

Safiirka Sacuudiga ee Berlin ayaa yidhi “wax walba miiska ayay saaran yihiin”, isaga oo raadiyaha Deutschlandfunk u sheegay in tallaabo kasta oo la qaaday ay tahay in aad looga eego.

Riyadh oo weerarka ku qeexday mid lagu tijaabinayo mowqifka dunida ayaa arbacadii soo bandhigtay haraadiga 25 drone oo Iranian ah iyo gantaalo ay sheegtay in weerarka loo adeegsaday.

Imaaraadka Carabta ayaa maanta kula biiray Sacuudiga dhisidda ciidamo isbaheysi oo caalami ah oo loo diyaarinayo inay sugaan amniga badda Gacanka, kuwaasi oo Mareykanka uu isku dayey inuu aas-aaso tan iyo weeraradii maraakiibta loogu geestay halkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this