Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo eedeymo culus u jeedisay dowladda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (SMN) – Dowladda Jabuuti ayaa waxay xusul-duub ugu jirtaa sidii ay u heli lahayd xubinimadda aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka UN-ka.

Isaga oo Jabuuti kula hadlayey safiiradda dalalka Afrika, wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi, ayaa rajo ka muujiyey in ay kursigaan heli doonan.

Dowladda Kenya ayay loolan kala kulmayaan, taasi oo dhowaan codadka ka heshay inta badan xubnaha ururka Midowga Afrika.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaciyey in aysan wali ka rajo dhigan, ayna ku loolami doonan coddeynta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Doorashadaasi ayaa qabsoomi doonta bisha June ee sanadkan, waxaana Jabuuti ay kalsooni ka qabtaa in ay kusoo bixi doonto.

Dhinaca kale, wasiir Maxamuud ayaa ku eedeeyay Kenya in ay dooneyso in ay kursigaasi u adeegsato xiisadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

“Kenya laguma aamini karo amniga gobolka. Waxay dooneysaa in ay Soomaaliya ku dhibaateyso kursigaasi,” ayuu wasiirka.

Xukuumadda Nairobi ayaa waxa aysan wali ka jawaabin eedeynta culus ee uga timid dhanka dowladda Jabuuti.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this