Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Tanzania

Recommended Posts

Deeq A.   

Dodoma (SMN) – Dhalinyarro Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay 30 ayaa ku dhibaateysan qaar kamid ah xabsiyadda dalka Tanzania.

Saadaam, oo kamid ah Soomaalida halkaas ku nool dhowaan xabsi laga soo daayey, ayaa sheegay in ay la kulmaan maxaabiista jirdil.

“Waxaa intaasi wehlisa in lagu shaqeysto, oo aanan lagaa yeelayn waan xanuunsanahay,” ayuu u sheegay Idaacadda Shabelle.

Dowladda Soomaaliya ayuu cod dheer kaga codsadey in ay u soo gurmato, isla markaana ay xaaladooda wax ka qabto.

Da’yarta dalka ku nool ayuu uga digay in ay marin kasoo dhigtaan dalkan, iyaga oo raadinaya nolol dhaanta tan ka jirta waddanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this