Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo shaaciyey dowladda dhiseysa dekada Garacad

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaca ka qaadey in Itoobiya iyo Maalgeshato dalkaas u dhashay yay dhisi doonan dekadda cusub ee laga hirgelinayo Garacad.

Isaga oo a hareero taagan yihiin ganacsatadda, Deni ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in mashruucaan uu guuleysan doono, wuxuuna meesha ka saarey in uu yahay mid degaanka wax u dhimaya.

“Waa in aan kala saarno sida ay dadka qaarkii aaminsan yihiin oo ah in hadii dalkaaga la maalgashto lagaa qaadanayo dhulkaaga, sidaasina ma ahan,” ayuu hadalkiisa daba dhigay madaxweynuhu.

Dhismaha dekadda Garacad ayaa waxaa bilowday maamulkii uu majaraha u hayey madaxweyne Cabdiwali Gaas, waxaana haatan dhameystiraysa xukuumadda Saciid Cabdullaahi Deni.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this