Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaaciyay bartilmaameedka qaraxii caawa ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab  ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama, waxayna sheegeen in bar tilmaameedkoodu ahaa gaadiid uu la socday Xildhibaan Cabdulqaadir Caraboow oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in qaraxa oo ahaa miino lagu diyaariyay wadada dhinaceeda uu haleelay gaari Cabdi-bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ilaalo u ahaa Xildhibaan Cabdulqaadir Caraboow, isla markaana ay ku dileen seddax ka mid ah ilaaladiisa isagiina uu ka badbaaday.

Al-Shabaab ayaa sheegay in xilliga uu qaraxu dhacayay ay wadada marayeen labo gaari oo kala ahaa Bullet-proof nuuca aysan xabaddu karin iyo gaari Cabdi-bile ah, iyadoo Xildhibaan Caraboow uu saarnaa gaariga Bullet-proof-ka ah, sidaasna uu khasaaraha ugu badan ku gaaray ilaaladiisa oo saarneed Cabdi-bilaha, sida ay hadalka u dhigeen.

Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku aadan qaraxa caawa ka dhacay bartamaha Muqdisho, gaar ahaan wadada sida weyn loo ilaaliyo ee Maka Al-Mukaramah.

Dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray askartii ilaalada u eheed xildhibaanka, kasokow waxaa jira khasaare soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee iyaguna isticmaalayay wadada xilliga uu qaraxu dhacay, ugu yaraan labo ruux oo shacab ah ayaa geeriyootay shankalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxa, waxaana ku gubtay gaadiidkii ay wateen dadka rayadka ah.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this