Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax gaari oo ka dhacay magaaladda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qarax la sheegay in uu ka dhashay Miino dhulka lagu aasey ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto ee Muqdisho.

Jugta qaraxa oo ahayd mid xoogan ayaa waxaa laga maqlay qaybo kamid ah caasimadda, sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Ma cadda khasaaraha dhimasho ama dhaawac ee illaa iyo haatan ka dhashay weerarkan, aysan sidoo kale jirin cid sheegatay.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin falkan, oo kusoo aadaya iyadda oo ay magaaladda xasilooneyd.

Barqinimadii maanta ayay ahayd markii qarax Miino oo duleedka Muqdisho ka dhacay lala beegsaday kolanyo ay la socdeen Injineero Turki ah oo midkood uu dhaawacmay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this