Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha qaraxii ka dhacay Xaaji Baasto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo noociisu ahaa Miino dhulka lagu aasey ayaa la tilmaamay in uu ka dhacay afafaarka hore ee maqaaxi halkaasi ku taala.

Inta la xaqiijiyey saddex ruux oo laba kamid ah ay askar yihiin iyo ruux shacab ah ayaa ku naf-waayey weerarka.

Sidoo kale, laba kale oo rayid ahaa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaaladda.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan, laamaha ammaankana wali wax war ah kama aysan soo saarin falkan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this