Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin Qarax xoog leh oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online)-Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goor dhaw ku qarxay Isgoyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay meel aad u mashquul ah ayaa waxaa ka dhashay khasaare is kugu jira dhimasho iyo dhaawac, inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhaawacantay, waxaana jira dad ku dhintay oo aan wali la xaqiijin taradooda rasmiga ah.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa gaari NOAH ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay afaafka hore ee hotel cusub oo ay ka socotay munaasabad  xariga looga jarayay, waxaana halkaas ka agdhaw goobo kale oo ganacsi, kuwaas oo uu soo gaaray burbur, waxaana goobta ka dhaceysa rasaas goos goos ah.

Sidoo kale qof goobjoog ahaa xiliga uu qaraxu dhacayey ayaa sheegay in ay arkayeen gaadiid uu dad ku dhex jiro oo gubanaya, ruuxa goobjoogaha ah waxa uu sheegay in sigaar ah ay in dhihiisu u qabteen labo mooto Bajaaj oo gubanaya dadkii la socdayna ay ka dhex qeylinayeen.

Waxaa jira warar sheegaya in gaariga qarxay oo mudo kooban taagnaa meesha uu ku dhex jiray ruuxii watay.

Wixii kasoo gordha kala soco Caasimada Online:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this