Sign in to follow this  
Deeq A.

Injineer Turkish Ah Oo Qarax Lala Eegtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax lala eegtay injineer ka tirsanaa shaqaalaha dhismaha wadada xidhiidhisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Garasbaaley.

2019918637043879951652665qarax-2.jpg

Wararku waxaa ay sheegaya in qaraxan uu ku dhawaacmay injineerka Turkiga ah iyo laba ka mid ah ilaaladiisa, kaddib markii uu qaraxu haleelay gaadhi ay la socdeen.


Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in Injineerka uu kormeerayay qeybaha dhismaha gaar ahaan meel ku dhow xarunta maamulka Garasbaaleym waxaana markii dambe uu qaraxani sababay in uu hakad ku yimaado howlihii dhismaha wadadan oo dayactir xoog leh lagu sameynayo.

Dhismaha Waddada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa maalgelinaya dowladda Qadar waxaana qandaraaska dhismaha heysta Sharikad laga leeyahay dalka Turkiga.

Ma jirto cid wali sheegatay mas’uuliyada qaraxan lala eegtay shaqaalaha ka shaqeynayay dhismaha wadada gaar ahaan Injineerka u dhashay dalka Turkiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this