Deeq A. Posted September 18, 2019 (SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax lala eegtay injineer ka tirsanaa shaqaalaha dhismaha wadada xidhiidhisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Garasbaaley. Wararku waxaa ay sheegaya in qaraxan uu ku dhawaacmay injineerka Turkiga ah iyo laba ka mid ah ilaaladiisa, kaddib markii uu qaraxu haleelay gaadhi ay la socdeen. Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in Injineerka uu kormeerayay qeybaha dhismaha gaar ahaan meel ku dhow xarunta maamulka Garasbaaleym waxaana markii dambe uu qaraxani sababay in uu hakad ku yimaado howlihii dhismaha wadadan oo dayactir xoog leh lagu sameynayo. Dhismaha Waddada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa maalgelinaya dowladda Qadar waxaana qandaraaska dhismaha heysta Sharikad laga leeyahay dalka Turkiga. Ma jirto cid wali sheegatay mas’uuliyada qaraxan lala eegtay shaqaalaha ka shaqeynayay dhismaha wadada gaar ahaan Injineerka u dhashay dalka Turkiga. Source Share this post Link to post Share on other sites