Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Shabaab kala kulmeen ‘ergadii soo doortay’ xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxay deegaanada ay joogaan kula kulmayeen odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Kooxdaan ayaa Maanta waxay soo bandhigtay codadka Haween ay sheegeen inay kamid ahaayeen dadkii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka kasoo galay deegaanada Koonfur Galbeed.

Dumarkaan oo gaarayey sida Al-Shabaab ay sheegtay illaa lix ayaa bixiyey wareysi aad xasaasi u ahaa oo ay kaga hadlayeen qaabka ay usoo xuleen xildhibaanada ayaa qaarkood sheegay inaysan ogeyn cidda ay Xildhibaanada u dooranayeen balse loo dhiibayey waraaqo lagu amray inay Santuuqa isaga ridaan.

Khadiijo Siidoow Busto oo kamid aheyd Haweenkaas la wareystay ayaa sheegtay inay iyada soo xushay Xildhibaan Saallim Caliyow Ibrow doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Waxay sheegtay in laga waday Magaalada Muqdisho lana siiyey markii hore lacag gaareyso ilaa 300 oo Dollar, markii ay dooratay oo ay Muqdisho kusoo laabatay ayey sheegtay in loogu daray 200 oo Dollar.

Waxay sidoo kale sheegtay inay Al-Shabaab kala kulantay soo dhaweyn aad u sareyso isla markaasna waxay xustay inaysan mar dambe ka qeyb qaadan doonin soo xulista XIldhibaanka Dowladda Soomaaliya.

Dhanka  kale Kuuseey Eenoow Cusmaanoow oo iyadana kamid aheyd Haweenkii la wareystay ee Al-Shabaab isku dhiibay ayaa sheegtay inaysan ilaa hadda garaneyn Xildhibaanka ay dooratay balse ay kaliya lacag ku qaadatay inay waraaqo santuuq ku rido.

Waxay iyadana sheegtay in 300 oo Dollar lagu siiyey shaqadaas lagana qaaday kaam ku yaalo  banaanka Magaalada Muqdisho sida ay hadalka u dhigeen.

Haweenkaan ayaa intooda badan sheegay inay cabsi dareemi jireen mar kasta ka hor inta aysan Al-Shabaab isku dhiibin, waxayna sheegeen inay ka cabsan jireen madax jabis.

Qaar kamid ah Haweenkaas ayaa sheegay inay hadda fahmeen Islaamka isla markaasna la baray tiirarka Islaamka oo aysan horey u aqoon sida ay hadalka u dhigeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey loogu eedeeyey inay wado dadaal ay ku dooneyso inay kula wareegto odayaasha soo xulo Baarlamaanka Soomaaliya si ay awoodda dalka qeyb uga noqdaan Doorashada soo socoto.

Kooxdaan ayaa qorsheeneyso inay odayaasha ku qasbaan inay soo doortaan Xildhibaano Al-Shabaab ku matalo Baarlamaanka Soomaaliya waana qorshihii ugu horreeyey oo aan dhiig ku daadan oo ay kooxdaan ku dooneyso inay ku gasho dowladnimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this