Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdishakuur Cali Mire oo weerar culus ku qaaday xisbyadii shalay go’aanka soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka mid ah xildhibaannada sida aadka ah ugu dhow madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa weerar ku qaaday xisbiyada dalka.

Cabdishakuur Cali mire ayaa bartiisa twitter soo dhigay qoraal jawaab u ah war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay xisbiyada ee looga soo horjeedo go’aanadii kasoo baxay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee lagu soo geba-gebeeyey Dhuusomareeb.

“Xisbi ku sheegyada dalka oo horey u taageeray hanaankii doorashada aan dastuuriga iyo dimoqraadiga ahayn ee Jubaland ayaa hadda cambaareynaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug” ayuu qoraakiisa ku yiri.

“Mowqifyadan is-burinaya waxa ay ka tarjumayaan laba wejiile-nimadooda iyo xeeladdooda ku dhisan fursadda un.”

Cabdishakuur Cali Mire oo kasoo jeeda gobolka Gedo, si la mid ah madaxweyne Farmaajo, ayaa xukuumadda Nabad iyo Nolol waxay siisay dhowr mashruuc oo ganacsi oo Muqdisho uu ku leeyahay.

Doorashada dhowaan ka dhaceysa Galmudug ayaa waxaa isku wajihi doona musharaxa Nabad iyo Nolol ee Qoor-Qoor iyo musharaxiin ka socda xisbiyada mucaaradka oo uu ugu cad-cad yahay Cabdiraxmaan Odowaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this