Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Oo Caawimo Weydiistay Kuuriyada Koonfureed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman ayaa ka codsaday Korea-da Koonfureed inay ka caawiso xoojinta habka difaaca hawada dalkiisa, kadib weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee dalkaas.

BF265E17-5DBA-4B0D-B647-07111FA3CD7B_w10

Wakaaladda wararka Korea-da Koonfureed ee Yonhap oo warkan werisay ayaa sheegtay in Bin Salman iyo mas’uuliyinta Seoul ay isku raacaan inay sii wadan wada-tashiyada la xiriira arrintan.

Weeraradii sabtidii lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh, ayaa waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, hase yeeshee Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa tuhmaya iran.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in maanta ay baahin doonta caddeymo Tehran la xiriirinaya inay ka dambeysay weeraradas.

Hase yeeshee Tehran ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarkii 14-kii September.

“Waxay doonayaan in cadaadiska ugu xoogga badan ay saaraan Iran, ayaga oo aflagaadeenaya” waxa asidaas yiri madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

“Ma dooneyno dagaal…yaa billaabay dagaalada gobolka” ayuu yiri Rouhani oo Washington iyo xulufadeeda ku eedeeyey dagaalka ka socda Yemen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this