Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo la wareegay deegaano hor leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa maanta la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Baay ee K/Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay dagaal kula wareegeen deegaano ay ka mid yihiin Raaxoole iyo Bandhuub oo hoostaga degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Baay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa agagaarka degmadaasi.

Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this