Deeq A. Posted September 18, 2019 Madaxweyne Deni oo ka duulay garoonka Gen. Maxamed Abshir Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor-dhaweyd safar dhanka cirka ah ugu ambabaxay deeegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug. Socdaalka Madaxweyne Deni ee Garacad ayaa ujeedkiisu yahay in uu soo kormeero deked sanadkii hore dhismaheeda laga bilaabay halkaas, oo uu dhagax dhigay Madaxweynihii hore Cabdiwali Cali Gaas. Madaxweyne Deni iyo wafdiga uu hogaamanyo ayaa inta uu Garacad joogo kulamo la qaadan doono dadka deegaanka iyo shirkadda gacanta ku haysa dhismaha dekadda Garacad. Madaxweyne Deni waxaa safarka Garacad ku wahelinaya dad raba in ay maalgashadaan Garacad, kuwaas oo ka qeyb galay shirkii maalgashiga Puntland ee shalay ku soo xirmay Garowe. Waa safarkii ugu horeeyay oo Madaxweyne Deni ku tago deegaan xeebeedka Garacad tan iyo intii la doortay 8-dii Janaayo 2019. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo u safray Garacad appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites