Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin: Qarax xoogan oo lala eegtay Injineerada dhisaya waddada Muqdisho iyo Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow lala eegtay Injineerada dhismaha ka wada waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala beegsaday gaari HILUX ah oo ay wateen Injineeradaasi oo u dhashay dalka Turkiga, xilli ay marayeen agagaarka Jaamacadda Shabelle.

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo u badan dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah Injineerada iyo askar ilaalo u aheyd.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaliya oo la xariira qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa horay uga digtay dhismaha jidkan, inkastoo markii dambe la sheegay in Qatar ay siiyey lacag, si loo wado dhismaha waddadaas oo muhiim u ah dadweynaha.

Lama oga in qaraxan uu la xariiro digniintaasi iyo in kale, balse Al-Shabaab ayaa horay Muqdisho uga joojisay dhismayaal kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this