Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump Oo Si Rasmi Ah Waraaqaha Aqoonsiga Uga Guddoomay Safiirka Cusub Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah waxaa uu waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo uga guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed, kaasoo dhowaan ay magacawday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

alisharif-trump.jpeg

Amb. Cali Shariif Axmed ayaa lagu qaabilay Aqalka cad ee Mareykanka, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweyne Donald Trump, kuna wareejiyay waraaqihiisa aqoonsiga ee Danjirmo.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Amb. Cali Shariif uu waraaqihiisa aqoonsiga ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Danjire Cali Shariif ayaa noqonaya Safiirkii 3aad ee Soomaaliya u magacawda Mareykanka, tan iyo sanadkii 2014, xilligaasoo dowladda Soomaaliya markii u horeysay muddo 20 sano oo ay Safiir u magacawdo dalka Mareykanka, kaasoo ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Tan iyo sanadkii 2018 Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa aheyd Safiir la’aan, kaddib markii Axmed Ciise Cawad oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Washington loo magacaabay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this