Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Soomaaliya Ka Taageeraya Amniga iyo Dhaqaalaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xilligan ka taageeri doonto arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo sidoo kale waxbarashada.

Safiirka Ruushka u fadhiya Muqdisho, Mikhail Golovanov ayaa hadalkaan sheegay xilli uu magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisul wasaare Kheyre.

Golovanov ayaa u sheegay wasiirka Koowaad ee xukuumadda, in Ruushka diyaar u yahay sii xoojinta xiriirkooda Soomaaliya.

KHEYRE-1024x581.png

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay iney xoojineyso xiriirka qotada dheer ee kala dhaxeeye Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa ka mid ahyd dowladaha waaweyn ee sida weyn u taageeri jiray dowladda Soomaaliya, burburkii dalka kahor, sidoo kalena waxay qeyb ka qaadatay dhismahii ciidanka xoogga dalka iyo qalabeyntooda intaba.

Gooboog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this