Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil geystay khasaare xoogan oo ka dhacay Carbiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)  – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaaro weyn oo sida xamuul, kaas oo la sheegay inuu ku dul dhacay gaari kale oo ay la socdeen dad shacab ah.

In ka badan 10 qof oo ka mid ah rakabaakii saarnaa gaarigaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen shilkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan uu socdo gurmad xoogan oo loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi gaari.

Inta badan ayaa waxaa waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ka dhaca shilal gaari, kuwaas oo sababa khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this