Deeq A. Posted September 18, 2019 Muqdisho(SMN) – Taliska Africom ayaa war ka soo saaray duqeyn shalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa Africom waxaa sheegtay in ay ka dhacday waqooyi galbeed magaalada Kismaayo ee xarunta ee gobolkaasi Africom ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay illaa labo xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in duqeyntan oo ay gacan ka geysteen ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah. Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in Mareykanku uu sii xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu ka wado koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites