Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho(SMN) – Taliska Africom ayaa war ka soo saaray duqeyn shalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa Africom waxaa sheegtay in ay ka dhacday waqooyi galbeed magaalada Kismaayo ee xarunta ee gobolkaasi

Africom ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay illaa labo xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in duqeyntan oo ay gacan ka geysteen ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in Mareykanku uu sii xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu ka wado koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this