Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Sirdoonka Dalka Angola Oo Booqasho Ku Tagay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa bookhasho rasmi ah ku tagay Taliyaha Sirdoonka dalka Angola sida lagu shaaciyay war ka soo baxay Taliska NISA.

0d884d272-fe24-4894-b239-37764afe7e6a.jp

Garoonka diyaaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa oo ah Taliyaha Sirdoonka Angola kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda nabadsugida Soomaaliya ee NISA.

Taliyaha Sirdoonka dalka Angola ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Agaasimaha hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin, iyagoo ka wada hadlay sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay ladagaalanka argagaxisada.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta NISA ee Twitter-ka ayaa lagu shaaciyay in Muqdisho uu yimid Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa.

“Taliyaha Sirdoonka wadanka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa, oo booqasho rasmi ah kuyimid magaalada Muqdisho ayaa lakulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay ladagaalanka argagaxisada”ayaa lagu yidhi Warka kasoo baxay NISA.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this