Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiyada Siyaasadda oo Maamulka Farmaajo uga Digay Afduubka Doorashada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira ayaa walaac xoogan ka muujiyey qodobadii ka soo baxay shirkii dib -u-heshiisiinta beelaha Galmudug oo habeenimadii xalay lagu soo gabangabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Xisbiyada oo si wadajir ah u soo saaray war saxaafadeed ayaa si weyn u dhaliilay qodobada qaar ee ku jira war murtiyeedkii soo baxay shirkii ku soo idlaaday Dhuusamareeb, kaas oo dowladdu ku sheegtay in ayadu ay soo dhisayso guddiga farsamada ee maamul dhisidda Galmudug isla markaana dowladda federaalka ay sameyso shuruudo iyo habraacyo adag oo lagu soo maraayo xulista xildhibaannada wakiilada Galmudug, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Xisbiyada siyaasadda ayaa sheegay in qodobkaas iyo qodobo kale oo ku jira war murtiyeedkii soo baxay ay khilaafsan yihiin hanaanka federaalka, waxaa ayna ka digeen in doorashada dowlad gobaleedka Galmudug la afduubo.

70456291_2681328911898149_4897327650286075904_n.jpg?_nc_cat=109&_nc_oc=AQm5i29d1I9D-1aeoZXWFEd5bAl4HuOPIOYWZxtJO0mGui_hGRC5OzJMfitE-ieHWf4&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=f7941fc72f947b223d235105402ff860&oe=5E0AFC63

70616414_941968749472397_2156842600781316096_n.jpg?_nc_cat=104&_nc_oc=AQnk-NAG7O-ZFLqdd_HjhvKFYqVN6opxjk7UtvzUj42Y3utbdNuJ3ybS_3nQqX4x1zs&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=b0542aa47511568e7f49039da48a3dea&oe=5DF2561D

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this