Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska Oo 60 Million Oo Euro Ugu Deeqaya Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Dawladda Faransiiska ayaa Lixdan Malyuun oo Euro ah ugu deeqayso dawladda Cusub ee ka dhalatay Suudaan, si ay uga shaqeeyo Horumarinta Dimuqraadiyadda.

SUDAN-FRANCE-DIPLOMACY-1024x576.jpg

Sidaasi waxa sheegay Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian oo Magaalada Khartoum kulan kula yeeshay dhiggiisa Suudaan, Asmaa Abdallah.

Wada-hadallo ay labada dhinac yeesheen Isniintii ayaa Wasiirka Arrimaha dibedda ee Faransiisku markii uu dhammaaday wuxuu sheegay inay Dawlad ahaan go’aansadeen inay Suudaan ugu deeqaan lacag gaadhaysa 60 Million oo Euro.

Lacagta deeqda ah oo 15 Million oo ka mid ah bixinteeda la soo dedejinayo waxa loogu talo-galay in lagu horumariyo dimuqraadiyadda Suudaan, muddada ay xukunka sida wada-jir ah u hayaan Dawladda isugu jirta Milletariga iyo Rayidka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this