Deeq A. Posted September 17, 2019 (SLT- Afghanistan)-Ugu yaraan 24 qof ayaa ku geeriyooday qarax uu qof is-miidaamiyey la beegsaday isu soo bax olole doorasho ah, oo uu madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ku qabtay gobolka Parwan. Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa waxayna ka digtay rabshado dheeri ah, ka hor doorashooyinka ka dhacaya dalkaas. Saacad kadib qaraxa ayaa sidoo kale qarax kale waxa uu ruxay badhtamaha magaalada Kabul, meel u dhow safaaradda Mareykanka, inkasta oo weli ayna caddeyn khasaaraha ka dhashay Qaraxyada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si deg deg ah u joojiyey wada-hadallo lala lahaa Taliban, oo lagu raadinayey heshiis ay ciidamada Mareykanka kaga baxaan Afghanistan. Qofka isku qarxiyey isku soo baxa gobolka Parwan – oo hal saac u jira waqooyiga Kabul – ayaa watay mooto, wuxuuna isku qarxiyey bar dadka lagu baadho oo laga galo goobta uu madaxweyne Ghani kula hadlayey daweynaha, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Nasrat Rahimi. Agaasimaha cisbitalka Parwan, Abdul Qasim Sangin ayaa AFP u sheegay in haween iyo carruur ay ka mid yihiin 24-ka qof ee dhintay, halka 32 qof oo kale ay dhaawac yihiin. Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa la sheegay inaanay wax dhibaato ah gaadhin. Source Share this post Link to post Share on other sites