Deeq A. Posted September 17, 2019 Balcad (Caasimada Online) – Shacabka ku nool degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe ayaa saakay ku waabariistay boqolaal ka mid ah ciidamada milateriga Soomaaliya oo gudaha u galay Balcad iyo daafaha magaalada. Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa billaabay baaritaano guri guri ah oo laga sameynayo xaafadaha Balcad iyo tuulooyinka hoos yimaada, sida ay ku soo waramayaan dadka degaanka. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii la helay xog sheegeysa in xubno Shabaab ah ay magaalada soo galeen. Ciidankan ayaa la sheegay in ka baxeen magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo degaano hoos yimaada Balcad, islamarkaana ay xireen goobaha ganacsiga iyo kuwa waxbarashada. Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa shalay Jowhar ka sheegay in Balcad iyo guud ahaan HirShabelle ay qatar ugu jiraan in ay qabsadaan Al-Shabaab. Saacadihii la soo dhaafay ayaa degaano hoos yimaada Balcad waxaa lagu arkayay toboneeyo kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. Balcad ayaa u muuqata mid wajaheyso dhibaatooyin daran oo dhanka ammaanka ah lamana oga waxa ay ciidamadan ka badali doonaan cabsida ka jirta Balcad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites