Deeq A. Posted September 17, 2019 Jalalaqsi (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti maanta qarax lagula eegtay G/Hiiraan. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamadasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa Jalalaqsi iyo Buulo-Burte. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana ay sheegtay in ay ku dishay illaa shan ka tirsanaa ciidamada Jabuuti. Sidoo kale waxa ay shaacisay inay ku dhaawacday tiro intaasi ka badan, kuwaas oo ay tilmaamtay in diyaarad Helicopter ah looga qaaday halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo taliska AMISOM oo la xariira qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada ay ka fuliso gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulkaHirShabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites