Sign in to follow this  
Deeq A.

Macalinka Ugu Wanaagsan Dunida Oo La Kulmay Madaxweyne Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New York)-Peter Tabichi oo kasoo jeedo dalka Kenya oo horraantii sannadkan loo magacaabay macalinka ugu wanaagsan dunida ayaa aqalka cad kula kulmay madaxweynaha Mareykanka ccTrump ka hor inta aanu macalinkan khudbad ka jeedin shirka golaha Qaramada Midoobey.

EEmuJKYWkAgxGir.jpg

Waxaa uu ku guulleystay abaal marinta la siiyo macalinka ugu wanaagsan dunida sannadkan 2019-ka.

Peter Tabichi waxaa uu maadda Seyniska ka dhigaa dugsi sare oo ku yaalla magaalada Nakuru oo dhacdo waqooy galbeed Nairobi.

Sawirka macalinka iyo madaxweynaha Mareykanka markii ay kulmeen, waxaa barta Twitter-ka soo geliyay xoghayaha warfaafinta ee aqalka cad.

Xoghayaha warfaafinta aqalka cad ayaa yidhi “In ka badan boqolkiiba 80 mushaarkiisa waxaa uu ku caawin jiray ardeyda saboolka ah ee uu wax u dhigi jiray”

Peter Tabichi ayaa lagu wadaa inuu shirka Qaramada Midoobey uga warbixiyo dadaalka uu ku gaadhay macalinka ugu wanaagsan dunida.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this