Deeq A. Posted September 17, 2019 Jowhar (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dagaalayahanno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana hubeysan ay saacadihii la soo dhaafay gudaha u galeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in raggan oo ay tiradoodu gaareyso 15 ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen degmadaasi, islamarkaana ay haatan jiro cabsi xoogan. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ciidamada dowladda bandow ku soo rogeen Balcad, islamarkaana ay howlaglllo ka bilaabeen magaaladaasi. Dhaq dhaqaaqa magaalada ayaa guud ahaan hakad ku jira, iyadoo laga cabsi qabo dagaal uu ka dhaco halkaasi. Dhinaca kale Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay warbaahinta ayaa walaac ka muujiyey amniga deegaanada maamulkaasi. Waare ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku soo jabeen gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii dowladda federaalka ay kordhisay howlgallada gobolka Shabeelaha Hoose. Ugu dameyb Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay wax ka qabato dhibaatooyinka amni ee HirShabelle. Dhowaan ayey aheyd markii Al-Shabaab weeraro kala duwan oo lagu dilay mas’uuliyiin caan ahaa iyo askar ka tirsanaa ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Burundi ay ka fulisay inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Halkan hoose ka dhegeyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Ware.mp3 Share this post Link to post Share on other sites