Sign in to follow this  
Deeq A.

Xidig: Tiro koob ayaan ku sameyn doonaa dadkii lagu dilay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed (Xidig) oo sheegta in taageerayaashiisa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay diiwaangelin doonaan dadkii lagu dilo ama lagu dhaawacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xidig ayaa sheegay in mar uun cadaalada la horkeeni doono kooxaha dilalka ka fuliya magaaladaasi iyo cidkasta oo gacan ka geysata.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hayaan magacyada, sawirrada iyo xaafadaha ay ka yimaadeen ragga geystay dilalkii ugu dambeeyey, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale waxa uu shaaciyey in xubnaha isbedal doonka ahi ay markasta la kulmaan hanjabaadyo joogta ah, basle aysan ka tanaasuli doonin fikirkooda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan magaallo xeebeedka Kismaayo lagu dhaawacay, Nabadoon Axmed Jaamac (Qalyar) oo soo noqday guddoomiihii golaha la magac baxay badbaadada Jubbaland, inkastoo markii dambe uu isaga baxay golahaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Cod-Cabdi-Rashiid-Xidig.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this