Sign in to follow this  
Deeq A.

Hindiya Oo Kordhisay Cadaadiska Ay Ka Wado Gobolka Kashmiir

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khasmiir)-Ciidammada amniga Hindiya ayaa xabsiga dhigay siyaasi ka soo jeeda gobolka Kashmiir, iyadoo booliska tixraacayaan sharciga xaalada deg dega oo u ogalaanaya inay xidhaan cid kasta iyadoo aan loo marin amar Maxkamadeed.

1568661749f2831.jpg

Siyaasiga lagu magacaabo Faaruuq Cabdulaahi oo 82 jir ah hore-na wasiir uga noqday gobolka Kashmiir ayaa ka cadhooday dhibaatooyinka ciidanka amniga ku hayaan dadka Muslimiinta.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga ee magaalada Srinagar, ee caasimada u ah gobolka Himalayan ayaa lagu xidhay siyaasigaan sida ay eheladiisa Xaqiijiyeen.

Mr Cabdullahi ayaa hore xabsi guri u ahaa tan iyo 5-tii Bishii August kadib amar ka soo baxay raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Waan xidhnay asaga waxaana arrintiisa go’aan ka gaadhi doona sida laga yeelayo gudiga Amniga, sidaasi waxaa yidhi Muneer Khan, oo ka tirsan saraakiisha booliska.

Dhanka kale hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dad ka badan 20,000 oo ka soo jeeda gobolka Kashmir.

Waa cadaadiskii ugu xooganaa saameeya muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool Kashmiir-ta Hindiya tan iyo sannadkii 1978-dii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this