Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushkha, Turkiga Iyo IRAN Oo Ku Heshiiyey Dhismaha Guddiga Dastuurka Ee Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Vladimir Putin, Tayyip Erdogan, iyo Xasaan Rouhani oo Isniintii shalay kulan saddex-geesood ah ku yeeshay caasimada Turkiga ee Ankara ayaa sheegay inay ku heshiiyeen dardar gelinta xali u helida dagaalka ka socda wadanka Suuriya.

156865321911f3f.jpg

Qodobada ugu muhiimsan ee shirkan looga hadlayey ayaa ahaa sidii loo dhisi lahaa Guddiga Dib u qorista Dastuurka Suuriya oo ay hore iskugu khilaafeen saddexdan dowladooda oo kala taageera Xukuumada Suuriya ee Bashar Al Assad iyo kooxaha mucaaridka Suuriya.

Ruushka iyo Iran oo taageera Bashar Al Assad ayaa ogolaaday in guddigan qori doona Dastuurka ay ka koobnaadaan xubno ay soo xuleen dowlada Bashar Al Assad iyo xoogaga Mucaaridka ah oo iyagu taageerada ka helaya Turkiga.

Qodobkan ayaa ah mid caqabad ku noqday inay sii socdaan shirarkii ka socday magaalada Geneva ee lagu dhex dhexaadinayey Dowlada Bashar Al Assad iyo Mucaaridka, sida uu sheegay Madaxweynaha Ruushka Putin.

Madaxweynaha Iran Rouhani ayaa dhankiisa sheegay in uu rajeenayo in doorasho guud ay ka dhacdo dalka Siiriya sannadka soo socda 2020 amma 2021.

Saddexdan dowladooda ayaa shirkoodan ahaa kii shanaad oo ay ka yeeshaan xaalada dalka Suuriya, waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la qaboojiyo dagaalada ka socday gobalka Idlib oo ah gobalka ugu danbeeyey oo ay gacanta ku hayaan xoogaga mucaaridka, gobalkaasi ayey bishii lasoo dhaafay ee Agoosto ka dhaceen dagaalo waaweyn.

Turkiga ayaa olole xooggan ugu jira in la xasiliyo gobalada Suuriya ee saaran xadka ay dalkaasi la wadaagaan si mustaqbalka dhaw ay halkaasi xeryo uga dhisto dadka qaxootiga ah ee reer Suuriya oo culeys weyn ku haya, halka dhinaca kale ay dooneyso in ay xaduudeeda ka fogeyso xoogaga Kurdida Suuriya ee taageerada ka hela Maraykanka.

Ruushka iyo Iran ayaa iyaguna doonaya in dalka Siiriya laga saaro ciidamada Maraykanka oo gacan militari siinaya xoogaga Kurdida Waqooyiga Siiriya kuwaasi oo la dagaalamaya kooxda Daacish iyo waliba ciidamada dowlada Bashar Al Assad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this