Deeq A. Posted September 17, 2019 Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, halkaasi oo falalka amni darri kusoo bateen. Sida ay sheegeen goob joogayaal, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay rag la sheegay in looga shakisan yahay Al-shabaab, waxaana ku socda baaritaanno. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa ka gaabsaday in faah faahin bixiyaan, maadaama weli howlgallada yihiin kuwo socda. Dhowaan ayeey ahayd, markii qarax Miino oo ka dhacay tuulada gololey ee Shabellaha Dhexe ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites