Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartmaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamo Milatari ah oo ku socdaalayey inta u dhexeysa magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-Burte oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, inkastoo aan la cadeyn karin khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoo ciidamadii la weeraray ay socdaalkooda ka sii wateen halkaasi.

Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaaday ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada HirShabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this