Sign in to follow this  
Deeq A.

DENI oo madaxda DF Somalia uga digay muddo kororsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka la filayo in ay dhacaan 2020, illaa 2021-ka

Ugu horreyn Deni ayaa ka digay in madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sameystaan muddo kororsi aan lagu heshiin.

Waxa kale uu sheegay haddii ay dhacdo arrintaasi in ay dalka u horseedeyso dib u dhac, sida uu hadalka u dhigay.

“Labo sano iyo badh kaddib ma hayno hannaan doorasho, waase rajeynaynaa, dalku waqti kororsi kama bixi karo, Soomaalidu waxa keliya ee haatan ay heshiis ku tahay waa in afartii sanoba mar doorasho dhacdo ilaa burburkii”. ayuu yidhi Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dowladda dhexe ay waajib ku tahay in waqtigii loo asteeyey ay ku qabato doorashooyinkasi.

Dhowaan ayey aheyd markii xildhibaan ka tirsan golaha shacabka uu shaaciyey in baarlamaaka uu doonayo muddo kororsi, waxaana uu xusay in arrintaasi oo mar marsiyo looga dhigayo arrimo amni ay ka shaqeynayo guddiga diyaarinta sharciha doorashooyinka.

Doorashada 2020-ka oo lagu heshiiyey inay noqoto qof iyo cod ayaa haatan waxaa muuqan dadaalkii loo baahnaa, si loo qabto doorashadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this