Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheikh Shaakir oo sheegay in isaga iyo Xaaf ay garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ka tirsan hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa xalay khudbad uu ka jeediyay shirkii Dib -uheshiisiinta Galmudug ee ku soo xirmay maagalada Dhuusamareeb waxa uu ku baaqay in laga dhabeeyo dhismaha Galmudug midaysan.

Sheikh Shaakir ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagantahay taabba-gelinta Dib -u-heshiisiinta iyo dhismaha Galmudug midaysan waxaana uu xusay in isaga iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ay xukuumadda Federaalka ku garab taagan yihiin hirgelinta Galmudug loo dhanyahay.

Waa in aan ka *****naa midnimada Galmudug waxaad ogtihiin haddii mas’uuliyiintii Galmudug aan nahay madaxweyne Xaaf waa kan waa fadhiyaa aniguna mas’uulkii waxan ahay wasiirada labadeenuba dowladda Federaalka waan soo dhoweynay waxaan ku soo dhoweynay Galmudug oo sidaan isu garab sanaysa in laga shaqeeyo” ayuu yiri Sheikh Shaakir.

Hadalka Sheikh Shaakir ayaa ku soo beegmaya xilli la hadal-hayay in aysan xiriir wanaagsan lahayn Ahlu-sunna iyo madaxweyne Xaaf tan iyo markii uu ka baxay Dhuusamareeb kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada dhinac.

Hoos ka daawo khudbadda Sheikh Shaakir

PUNTLAND POST

The post Sheikh Shaakir oo sheegay in isaga iyo Xaaf ay garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this