Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal-yahanada Shabaab oo soo buuxiyey wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmadda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay saacadihii aynu soo dhaafnay soo buuxiyeen waddada isku xirta Balcad iyo Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxaa xalay cabsi ay ka jirtay degmadda oo sabtidii ay duleedkeeda ka dhaceen qaraxyo lagu laayey ciidamo ka tirsan Amisom.

Deegaanada Al-Shabaab lagu arkayo waxaa kamid ah Caliyaale, Hiilweyne, iyo deegaano kale, waxaana suura gal ah in ay jaraan waddada xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sanado ka hor jaray wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Hir-Shabelle, halkaasi oo weeraro isugu jira qaraxyo miino iyo kuwo toos ah ku qaadi jireen gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

Sabtidii waxay deegaanka Golaley qaraxyo kula beegsadeen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo intooda badan dhintay, waxayna saacado kadib ay halkaas ku dileen 12 askari oo ahaa ciidamo Amisom ah oo u dhashay dalka Burundi

Al-Shabaab ayaa kordhiyay muddooyinkii dambe weeraradda ay ka fuliyaan labadda Shabeelle.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa ahayd mid nabdoon oo xitaa madaxweyne Xasan Sheekh uu socod ku maray intii uu xilka hayey, hase yeeshee markii uu tagay ayaa habacsanaanta iyo waxqabad la’aanta xukuumadda hadda jirta ay hoggaamisay in Shabaab dib ugu xoogaystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this