Deeq A. Posted September 16, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug. Mas’uuliyiinta Galmudug, qeybaha kala duwan ee bulshadda iyo wax garad ayaa hogaamiyaha waddanka soo dhaweeyay. Farmaajo ayaa wuxuu ka qeybgali doonaa caawa munaasabad lagu soo afmeerayo shirkii dib u heshiisiinta Galmudug oo guul ku dhammaaday, kaasi oo mudooyinkii dambe ka socday magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites