Deeq A. Posted September 16, 2019 (SLT-Boosaaso)-Askari ka tirsan ilaada ciidamada gaarka ee hay’adaha caalamiga ah ee magacooda loo soo gaabsho (SPU) ayaa toogasho ku dilay duhurnimadii maaanta askari kale oo isla ciidanka illaada hay’adaha ah. Dilka ayaa dhacay xilli ay askarta ku sugnaayeen xarun ay deganyihiin dhawr hay’adood uu ku taalla magaalada Boosaaso. Lama oga sababta ka dambaysay in askarigani uu dilo askariga kale ee ay hal goob ka wada shaqaynayeen. Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed oo ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay, isla markaasna ay baadhi doonaan sababta askarigani uu dilka u gaysatay. Source Share this post Link to post Share on other sites