Deeq A. Posted September 16, 2019 Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan laba iyo toban askari oo Burundi ah, islamarkaana qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu dilay, lix kalena waa lagu dhaawacay weerar ay Al-Shabaab ka fulisay meel ka baxsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Burundi oo la hadlay wakaaladda wararka AP, askartan ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ku qaaday kolonyo AMISOM ah oo ku safrayay gobolka Shabeellaha Dhexe. “Haa waa run. Nasiib darrose 12 kamid ah ciidamadeena ayaa lagu dilay lix kalena waa lagu dhaawacay (Sabtidii) weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ku qaadey kolonyo ka yimid Jowhar islamarkaana kusii jeeday magaaladda Muqdisho, ”sarkaal u hadlay dowlada Burundi ayaa yiri sidaasi. War qoraal ah oo lagu soo daabacay barta ay ku leedahay internet-ka, al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyada iyaga oo sheegay in dagaalyahanadooda ay dileen in kabadan 14 askari oo u dhashay Burundi markii ay weerar gaadmo ah ku qaaden kolonyo AMISOM ah oo marayay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar. Weerarkan ayaa imanaya laba bilood kadib weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday askarta Burundi oo galaaftay nolosha lix askari iyo dhowr kale oo dhaawacmay. Sida laga soo xigtay Gaashaanle Sare Floribert Biyereke, oo ah afhayeenka ciidamada Burundi, weerarkii ugu dambeeyay ee 12-ka Askari lagu dilay wuxuu ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Guutada Burundi waa mida labaad ee ugu weyn ee ku jirta AMISOM oo gaaraya 5,432 askari, kadib Uganda oo leh inka badan 6,000 oo askari. Dalka Burundi wuxuu tan iyo 2007 wuxuu qeyb ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites