Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khayre oo guddoomiyey shirka deyn cafinta Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta guddoomiyey shirka arrimaha deyn cafinta Soomaaliya oo todobaadkiiba hal mar lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiirkada maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ugu horreyn laga dhageystay guud looga dhageystay warbixin ku aadan shirkii uu dhowaan uga qeyb galay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

“Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya SMP waxaa maanta nagala soo qeyb galay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan warbixin ka siiyay shirkii dhawaan Addis Ababa inoogu soo gaba gaboobay ee dib u eegista SMP4 ayuu yiri.“ wasiir Beyle.

Ra’iisul wasaare Khayre oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay fulin doonto dhammaan qorshaha lagu doonayo in dhamaan deymaha loogu cafiyo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ugu jirto, sidii loo hormarin lahaa kobaca dhaqaalaha Soomaliya

Dowladda federaalka ayaa wada dadaallo ay ugu jirto, sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay dalka, si ay Soomaaliya u hesho maalgasho caalami ah.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

5-23 3-38-750x430 4-32

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this