Deeq A. Posted September 16, 2019 Boosaaso (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa maanta hawada ka saaray Idaacada Daljir xarunta ay ku leedahay M/Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay xarunta Idaacaddaasi, iyaga oo maray in gabi ahaan hawada laga saaro. Sidoo kale ciidamada ayaa la sheegayeen inay baadi goobayeen agaasimaha guud ee Radio Daljir, Ahmed Sheekh Maxamed (Tallman). Amarka lagu soo xirayo agaasimaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu bixiyey taliyaha Booliska Puntland, General Muxiyadiin Axmed Muuse. “Maamulka warbaahinta Daljir ayaa cambaareeyey falalka ka baxsan sharciga ee ay ku kacayaan ciidamada bilayska oo loo sameeyey ilaalinta sharciga balse iyagu sharciga ku tumanaya. “Radio Daljir xaqiiqada tebinteeda kama weecinayso handadaad iyo caga juglayn.” ayuu yiri agaasimaha guud ee warbaahinta Daljir” Daljir ayaa dhawaan baahisay Warbixino la xiriira tacadiyo dhimasho ka mid tahay oo AY sheegeen in lagula kacay dhalinyaro laga qabtay magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites