Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Baahiyay Sawirka Guri Uu Dhisanayo Maayirka Gabiley Oo La Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Gabiley)-Maayirka Magaaladda Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa lagu eedeeyay in uu xabsiga Dhigay Aqoonyahan Axmed Ciisood oo ka mid ah dhalinyaradda Ku nool Magaaladda Gabiley.

70412142_2861186173908648_35873649872380

Axmed Ayaa bogga uu ku leeyahay Facebookga ku baahiyay sawirka guri uu sheegay in uu magaaladda Gabiley ka dhistay Duqa Magaaladaasi.

Qoraalkaasi uu ku baahiyay Boggiisa ayaa waxa uu udhignaa sidan “Waddadaas oo 2 km ah imika waxa la dhisa Maca Habeenkii si Madaxwaynuhu Xadhiga Uga jaro Marka uu yimaado Sida la filayo Waxaan Jeclaan lahayn In Gurigas Fooqa ah oo Maayarku ka dhistay Cashuurtii danyarta isna madaxwaynuhu xadhiga ka jaro ilayn waa Hanti Dadwayne Laguna Daro Hantida Dawladda” ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Baraha ay bulshada ayaa la soo dhigay qoraalo lagu cambaaraynayo xadhiga Axmed Ciisood, waxaana loogu baaqay duqa Magaaladaasi in uu xorriyadiisa u soo Celiyo Aqoonyahan Axmed Ciisood

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this