Sign in to follow this  
Deeq A.

Rabshado Ka Dhashay Eedaymo La Xidhiidha Aflagaadeynta Diinta Islaamka Oo Ka Dhacay Dalka Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Shacab cadheysan ayaa ku xoomay iskuul iyo macbad ay leeyihiin Hindu-ga kadib markii maamulaha iskuulka oo Hindu ah lagu eedeeyey aflagaado diineed, sida ay sheegeen booliska.

B6755DC4-BE11-4848-BF3A-03C6E635DFA7_cx0

Rabshadaha ayaa ka dillaacay gobolka Koonfureed ee Sindh kadib markii arday uu maamulaha iskuulka oo Hindu ah ku eedeeyey inuu aflagaadeeyey Nebiga, nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Dadweyne cadheysan ayaa kadib ku xoomay iskuulka, sidoo kalena burbur u gaystaan macbad hindu-ga ku leeyihiin halkaas sida laga soo xigtay booliska.

Maamulaha Iskuulka ayaa waxaa xidhay booliiska si loo bad-baadiyo, waxana booliska ay sheegeen inay baadhayaan hadalka lagu eedeeyey iyo rabshadihii ka dambeeyey.

“Waxay u muuqataa in maamulaha uusan hadalka u dhihin si ula kac ah” Furrukh Ali oo ah madaxa booliska deegaanka ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

Aflagaadeynta Nebiga, Nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, ayaa waxaa lagu muteystay xukun dil oo khasab ah, dalka Pakistan oo 95% dadkiisa ay muslimiin yihiin, islamarkaana qaba mid ka mid ah sharciyada ugu adag ee ka dhanka ah aflgaadeenta diinta.

Pakistan weli lagama fulin xukun dil, hase yeeshee dad cadheysan ayaa mararka qaar dila dadka lagu eedeeyo.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheega in sharciga ka dhanka ah aflagaadeynta diinta ay inta badan ka faa’iideystaan kooxaha mayalka adag ee diinta.

Reuters

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this