Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda DF iyo hay’adda WHO oo gaaray Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka  Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Drs Fowziyo Abiikar Nuur iyo wafdi heer caalami ah oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa maanta gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.waxaanna wafdigaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya

Agaasimaha xafiiska Mandiqadda Bariga & Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO Dr.Axmed Al-Mandhari oo wafdiga WHO hoggaaminaya  ayaa waxaa lagu wadaa in ay u kuur galaan xaaladaha caafimaad ee deegaanada dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.

Mudada ay wafdigaan ku joogaan booqashada deegaanada Koonfur galbeed, waxay booqan doonaan xarumaha caafimaadka oo ka mid yihiin Isbitaallada,goobaha Bukaan- socod eegtooyinka iyo hubinta xaaladaha caafimaad ka jira xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this