Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin dhaawac ah oo Muqdisho la keenay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caaasimada Online) – Diyaarad gaar ah oo siday dhaawacyada mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo shalay qarax lagu dhaawacay ayaa saaka la keenay gudaha magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada mas’uuliyiintan oo ah kuwa culus ayaa waxa ay diyaaradu ka soo qaaday degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee gobolkaasi, Cabdifitaax Xaaji Cabdulle aya sheegay in dhaawacyadaasi ay ka mid ahaayeen duddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley, xoghayaha degmadaas iyo midka mid ah saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa tilmaamay dhaawacyada mas’uliyiintan lagu dabiibi doono Muqdisho, islamarkaana uu alle uga baryayo caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka maamul ahaa ay wadaan baaritaano dheeraad oo ku aadan qaraxa miino ee kolonyadii ay la socdeen mas’uuliyiintaasi lagula eegtay deegaanka Abiikarow oo hoostaga degmada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda, qaraxan, waxaana ay shaacisay in bartilmaameedka uu ahaa mas’uuliyiinta maamulka degmada Qoryooley.

Maalin ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale qarax miino Al-Shabaab ay ku dishay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka HirShabelle, kaas oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Halka hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-1-shabelle-hoose-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this